Xafladii Qalinjabinta Ardayda Reer Somaliland
Ee Dalka India
Xaflad heersare ah oo lagu sii sagootinayay
ardayda reer Somaliland ee waxbarashadoodii heerka jaamacadeed ka
dhamaysatay Dalka India ayaa lagu qabtay magaalada Aurangabad ee
state-ka Maharashtra.
Xafaladan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka
socota jaamacada BAMU University ee ay ardaydani ka qalin jabiyeen,
masuuliyiintaas oo ay horkacaysay gabadha u qaabilsan jaamacada BAMU
qaybta foreign-ka (Dean of foreign students in BAMU university Dr.
Mrs. Mobel fernandes) maamulayasha college-yada,dhamaan ardayda
ajaanibka ah ee wax-ka barta magaalada iyo ardayda Qalinjabinaysay,
xafladan oo ku bilaabantay jawi aad u dagan laguna soo bandhigay
Astaamaha somaliland, sida calanka iyo halku dhagyo kale.
Hadal soo dhawayn iyo mahad naq isugu jira ayaa
waxa xaflada ku bilaabay labada inan ee aadka iskugu hawlay in ay
xafladani qabsoonto Mohamed Abdiaziz Tahir iyo Mohamed Ali Abdulah).

Gudidii qaban qaabada xaflada
intaas ka dibna waxa hadalka lagu soo dhaweeyay
Mr Mubarik Muuse Du'ale oo u hadlay ardayda qalinjabinaysa waxa uu
aad ugu dheeraday inuu ka hadlo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo
mareen intii ay ku jireen halgankooda waxbarasho ee marxalada
degree-ga , isaga oo aad u iftiimiyay qiimaha ay waxbarashadu u
leedahay guud ahaan bini aadamka waxaanu kula dardaarmay dhalinyarta
wax ka barta magaalada Aurangabad in ay ilaashadaan wakhtigooga
(time management) ugu dambayntii waxa uu sigaara uga codsaday Mrs.
Farnandes (Dean of foreign students) in ay u fududayso ardayda
ajaanibka ah wixii ay uga baahdaan jaamacada sida in la soo koobo
mudada qaadashada shahaadada oo muddo billo ah la sugo marka ardaygu
dhamaysto waxbarashadiisa jaamacadeed.

Mr Mubarik Muuse Du’ale
Intaas ka dib waxa hadalka la wareegay Mr Robert
Kakoi oo ku hadlay magaca dhamaan ardayda ajaanibka ah ee ka soo
qayb galay xaflada Mr.Robert waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan
yahay in uu xaflada kala soo qayb galo ardayda reer Somaliland ee
wax barashadooda heerka jaamacadeed ka dhamaystay magaalada
Aurangabad intaas ka dib waxa cod-tabiyaha microphone-ka si diiran
loogu soo dhaweeyey Dean of foreign students in BAMU university
Dr.Mrs Mobel Fernandes waxay hadalkeedii ku bilowday iyada oo
muujinaysa dareenkeeda farxadeed ee ku wajahan ka soo qayb galka
xafladan waxaynay tidhi “waa markii iigu horaysay ee number intaa
la’eg oo arday ajaanib ah aan xaflad la qaato taasina waxay ii
samaynaysa farxad gaara” Mrs. fernandes oo hadalkeedii sii wadata
ayaa aad ugu boorisay ardayda in ay ka midho dhaliyaan ujeedadii ay
ugu soo safreen masaafado aad ka u dheer iyadoo ku tilmaantay dalka
India in uu yahay dal soo dhawayn leh isla markaasna ay ardayda
ajaanibka ah ay ka heli karaan aqoon kasta oo ay u baahdaan
Mrs.fernandes ugu danbayn waxay ardayda ajaanibka ah ka codsatay in
ay la shaqeeyaan madaxda jaamacada gaar ahaan qaybta foreign
students-ka ee ay iyadu madaxa u tahay waxaanay balan qaaday in
wixii dhaliil ah ee loo soo jeediayay in ay u gudbin doonto madaxda
kale ee jaamacada waxna ka qaban doonaan.

Dr.Mrs Mobel Fernandes oo shahaado gudoonsinaysa Arday
intaas ka dibna Mrs fernandes waxa ay
gudoonsiisay arday walba oo ka mid ahaa ardayda qalin-jabinaysay
(Graduation certificate) oo ay soo diyaariyeen ardayda soo qaban
qaabiyay xaflada , sidoo kale waxa xaflada lagu dhex qaybiyay
Magazines ay ku qoran yihiin macluumad ku saabsan ardayda
qalinjabinaysay, ugu danbayntiina waxa lagu soo gaba-gabeeyey
xafladan oo ka dhacday Tapadia Function hall oo ku yaala badhtamaha
magaalada Aurangabad, Masrixiyad faneed ay soo bandhigeen qaar ka
mida ardayda reer Somaliland taasi oo ka turjumaysay xaalada dhabta
ah ee ku xeeran ardayda reer Somaliland ee wax barashada u jooga dal
waynaha India.

Naadiga Ardayda reer Somaliland ee magaalada Aurangabad (India)
Sidoo kale waxa xaflada qayb ka ahaa Cup loo
qabtay sagootiga ardayda taasi oo Naadiga Reer Somaliland ay ciyaar
la yeesheen Milan boys oo ah horyaalka naadiyada heerka koowaad ee
ka dhisan magaalada Aurangabad ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso
badan ayaa half kii hore 1:0 ay ku hogaaminayeen naadiga Somaliland
hasa yeeshe half-kii danbe ee ciyaarta ayaad moodaysay in naadiga
Milan boys ay wax ka badalen shaxdoodii hore ee ciyaarta taas oo
suurto galisay in ay ciyaartu kusoo gaba gabowdo 2:2 ugu
danbayntiina waxa la dhigay Panelties ama Rigoodhayaal waxaana
halkaas Cup-kii ku hantiyay naadiga Milan boys oo ku badiyay
rigoodhayaal halka Naadiga Somaliland la gudoonsiyay bilado.
Ugu dambayntii run ahaantii ardayda reer
Somaliland ee Magaalada Aurangabad waxa ay muujiyeen isku duubnaan
iyo midnimo taas oo suurto galisay in ay qabsoonto xafladan waxaanay
tusaale fiican oo ku dayasho mudan u noqonaysaa ardayda kale ee reer
Somaliland ee ku sugan gobolada kale ee dalka India.
waa markii ugu horaysay ee tiro aad u badan ka
dhamaystaan Magaalada Aurangabad waxbarashadoodii heerka jamacadeed,
Magaaladan Aurangabad oo ah magaalo Aad ugu fiican xaga waxbarasho,
ardayda joogtana ay masuuliyad aad u weyn iska saareen
waajibadkoodii waxbarasho ee ay u yimaadeen wadanka India.


Magacyada Arday Qalin jabisay
-
Mr. Fu'ad Mohamed Jama Becholar of Computer
Application (BCA)
-
Mr. Mohamed Ali Abdulahi Becholar of Computer
Application (BCA) and diploma of international Accounting
package
-
Mr. Abdiaziz Farah Jama Becholar of Computer
Application (BCA)
-
Mr. Hassan Mohamed Abdulahi Becholar of
Computer Application (BCA)
-
Mr.Mukhtar Muhumed Abdi Becholar of Computer
Application(BCA) and Diploma of United Nations and International
Understanding
-
Mr. Abdiaziz Abdulahi Omar Becholar of
Computer Application (BCA)
-
Mr.Nasir Osman Aw Muhumed Becholar of
Business Administration(BBA)
-
Mr.Mustapha Jama H. Muhumed Becholar of
Business Administration (BBA) and Diploma of microsoft certified
system Engineering (MCSE)
-
Mr.Yassin Mohamed Abdulahi Becholar of
Business Administration(BBA)
-
Mr. Ahmed Jama Nour Becholar of Business
Administration(BBA) and Diploma of United Nations and
International Understanding
-
Mr. Abas Ali Abdilahi Becholar of Business
Administration(BBA)
-
Mr. Mubarik Mouse Du'ale Becholar of Business
Administration(BBA)
-
Mr. Guled Omar Ibrahim Becholar of computer
sceince (B.Sc.)
-
Mr. Fowsi Ahmed Mohamed Diploma of Computer
Accounting
By:
Mohamed Abdiaziz Tahir
Deparment of sceince and information technology
BAMU University
and Mohamed Ali Abdilahi
Deparment of sceince and management
BAMU University
Aurangabad (India)